Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay waxyaabihii sababay qaraxii ruxay Beyruut

Warbaahinta caalamka ayaa aad u tabineysa qaraxyadii xooganaa ee xalay ruxay magaalada Beyrut ee caasimada dalka Lubnaan, qaraxyadan ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Mishaal Cown ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaalay goobta uu qaraxyadu ka dhaceen.

Waxa uuna sheegay Madaxweynaha dalka Lubnaan in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababaha dhaliyay qaraxaasi khasaaraha xoogan gaarsiiyay, waxa uuna ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay isdejiyaan una gurmadaan dadka dhaawacmay.

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Beyrut ayaa sababay dhimashada dad ka badan 78-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 4-kun oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan khasaaraha inta hada la ogyahay.

Bur burka dhismayaasha uu sababay qaraxan ayaa wali laga soo saarayaa dad ku hoos jira, waxaana xalay ilaa saakay kooxaha gurmadka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dad ku dhintay qaraxyada iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ragii ka dambeeyay dilka taliyihii ciidanka gor gor oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade

Israel oo qiratay Saraakiil iyo askar looga laayey Gaza

Caydiid Ali

Masuul Soomaali ah oo Shaaciyay in uu ku biirayo Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---