Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo War ka soo saartay dayuurad milateri oo kaga burburtay Dhoobley

Kenya ayaa faafaahin ka bixisay diyaarad shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in dayuurad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi u soo duulaysay magaalada Nairobi.

Dhammaan 10-kii qof ee saarnaa dayuuraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, waxayna ku jiraan isbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nairobi sida dowladu sheegtay.

Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka. War saxaafadeedku ma sheegin sababta ugu wacnayd in diyaaraddaasi shil gasho.

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Dowlada Mareykanka u soo jiiday ceeb iyo fadeexad oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Madaxweyne Zelensky oo booqday jiidaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dabley hubeysan oo fal dil ah ka geysatay Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---