Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rag dilal ka geystay Magaalada Kismaayo oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta bilowday dhagaysiga laba dacwadood oo loo haysto saddex eedaysane oo isku kiis ah iyo laba kale oo iyana isku kiis ah kuwaasoo xeer ilaalintu ku soo eedeysay in ay dil geysteen.

Magacyada eedaysaneyaasha saddexda ah ayaa ah: Cabdiqafaar Bishaar Xasan, Bille Buraalle Dhaqane, Yuusuf Xuseen Xasan.

Seddexdaan eedeysane oo ka tirsan ciidanka booliska Jubbaland ayaa loo haystaa inay dileen nin shacab ah oo xoogsato ah dilkana uu ku yimid jirdil loo gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Cabdulle.

Sidoo kale waxaa maxkamadda ka soo hor muuqday eedaysaneyaasha ah Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamed Rashiid Maxamuud oo iyana loo hasyto eeda ah dil ay u gaysteen Marxuum Cabdifataax Maxamed Maxamad falkan ayaa ka dhacay miyiga galbeed ee dagmadda Kismaayo gaar ahaanna deeganka Ungumi.

Dhagaysiga dacwada eedeyaanayaasha kadib maxkamadda ayaa kulanka soo xirtay waxaana loo balamay kulan kale ka hor inta aan go’aan laga soo saarin xukunkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre: “Mararka qaar, Doorashada waxaa ku soo baxa dad qatar geliya dimuqraadiyada”

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay in ay qabaneyso doorashada 10-kursi xili Khilaaf jiro

Cabdi Cade

Hub fara badan oo lagu soo qabtay howlgal Magaalada Boosaaso ka dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---