Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo laamigii ugu horeeyey la saaray (Sawirro)

Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhowaan dhismaheeda dib loo bilaabay ayaa maanta la saaray laamigii ugu horeeeyey.

Injineero Turki ah oo gacan ka helaya kuwo Soomaali ah ayaa ka qeyb qaadanaya dhismaha wadadan, kuwaasoo adeegsanaya qalab kala duwan iyo gaadiid loogu talo galay dhismaha jidadka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Turkiga iyo kuwo Soomaali ah ayaa sugaya amaanka dhismaha wadadan oo muddo dhowr bilood ah hakad ku jirtay ka dib qaraxyo soo laalaabtay oo lala beegsaday shaqaalaha wadada dhisaya, kuwaasoo ay ku dhinteen injineero Turki ah iyo dad kale oo Soomaali ah.

Qarasha dhismaha wadadan ayaa qeyb ka ah dhaqaale gaaraya $200 milyan oo ay ku deeqday dowlada Qatar, waxaanasidoo kale lacagtan mashaariicda lagu fulinayo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo aad uga dheer mida Afgooye, taasoo haatanba la bilaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmaya iyo Madaxweyne Deni oo …

Cabdi Cade

Wasiirada Galmudug oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey…

Caydiid Ali

Tirada askarta Isreak looga dilay dagaalka ka socda gudaha Gaza oo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---