Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Fiqi oo balan-qaad u sameeyey ciidamo loo tababarayo Galmudug (Sawirro)

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku tagay xerada Indha-qaris oo ah xero ay ku xareysanyihiin ciidamo loo diyaarinaayo Daraawiishata Galmudug oo ku taallo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Fiqi oo la hadlay ciidanka ku xareysan xerada ayaa u sheegay in iskuullo waxbarasho loo furi doono dhawaan si ay bulshada sugeyso ugu adeegaan ayagoo ka dhisan aqoon ciidan iyo mid maaddi intaba.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan loo soo xiri doono tababarka si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug una xorreeyaan deegaanada ka maqan gacanta dowladda Galmudug.

Wasaaradda amniga Galmudug waxaa markasta ka go’an dhisidda ciidamo ku filan sugidda amniga deeganada Galmudug sidoo kalena ka shaqeeya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo dadkii ugu badnaa xirxirtay tan & markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Khilaafka Taliye Odawaa iyo Jen. Biixi oo gaaray meel adag iyo Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Mareykanka oo Duqeymo culus ka geestay dhul buuraley ah oo kuyaalla Puntland

Cabdi Cade