Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo fariin dadban u diray Madaxweyne Farmaajo

Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo maanta ka qeyb galay shir beesha Mudulood uga furmay magaalada Muqdisho ayaa digniin u diray Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Islow ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxweyne Farmaajo in doorashada Waqtigeeda ku dhacdo , waxa uuna xusay in Madaxdii isaga ka horeesay xilka ka dageen doorashana qabteen markii xiligeeda la gaaray.

“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay”ayuu yiri Wasiir Islow.

Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka oo ku shiray Muqdisho kana dhawaajiyay qorshe u muuqday mudo kororsi, waxa uuna ugu baaqay in hurdada ka kacaan lana doonayo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaarihii is casilay ee Kheyre, waxa uuna Wasiirka kasoo horjeedaa in dowlada mudo kororsi sameeso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo tagay Xeebta Liido (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo loo diiyaariyay Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo Muqdisho laga sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda dambiyada ee ICC oo cuno qabateyn la saaray (Sababta)

Caydiid Ali