Allbanaadir.com
NEWS

Wax badan ka Ogow Aragtida Sharci ee Xukuumada Xil-gaarsiinta Soomaaliya

Gogoldhig

Sida aan wada ogsoonahay Golaha Shacabka BFS ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii uu hogaaniyay Mdne:Xasan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 25-tii Luuliyo 2020. Wuxuu Golaha Shacabku codka kalsoonida siiyay 1-dii Maasrso 2017.

Waxaana xukuumadda iyo barnaamijkeeda la ansixiyay, codka kalsoonidana Golaha Shacabku siiyay 29-kii Maarso 2017.

Waxaa jira su’aala badan oo ay is-weydiinayaa bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan sababta Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ama isaguba iska-casilay xilka u qaban la’yahay howliha xukuumadda xil-gaarsiinta?

Ma waxaa jira qodobo Dastuuriya ama Xeer kale oo ka reebaya in uu sii wado howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta ilaa laga soo magacaabayo cid kale oo beddesha? Ma go’aan Maxkamadeed ayaa looga joojiyay sii-qabashada shaqada? Yaa xilka ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha la soo magacaabay? Ma Ra’isul Wasaaraha xilka laga qaaday? Mise Ra’isul Wasaare Ku-xigeeka ku xukunka ah ee isaga la dhacay si waafaqsan Qod.97/4aad ee Dastuurka KMG? Maxaa kala fadilay Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa? Sharciyan iyo caqliyan ma la aqbali karaa in Ra’isul Wasaarihii Xil-gaarsiinta (caretaker prime minister) laga maarmo ee uu shaqada sii qabto ku xigeenkiisii sabab la’aan? Maxay tahay Xukuumadda xil-gaarsiinta? Xilkeeda iyo mas’uuliyaheedu ma waxay la mid yihiin tan xukuumadda caadiga ah?Yaa xakameynaya howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay dhacday, Baarlamaankuna aanu kor-joogtayn ku lahayn? Iyo su’aalo kale oo badan.

Waxay xukuumadda xil-gaarsiintu soo saartay go’aanno badan oo qaarkood masiir yihiin sida magacaabidda Guddiyo Dastuuri ah iyo kuwa kale, waxay sidoo kale samaysay magacaabid saraakiil sar-sare iyo xil ka qaadisyo kuwa kale.

Haddaba Si looga jawaabo su’aalaha sare ku xusan, loona  fahmo qoraalkan, waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la qeexo xukuumadda xil-gaarsiinta (Caretaker Government) kadibna la dul istaago mabaad’ida Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka iyadoo raad-raac lagu samaynayo sooyaal Dastuur iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku lahaan jiray, sidoo kale haddii ay jirtay fasiraad Dastuur oo arrintaas la xiriirta oo ay horey u go’aamiyeen hay’adaha garsoorka dalka.

Waxaan maqaalkan ku falanqeynaynaa aragtida Dastuur iyo midda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta, awoodda iyo xilal uu Dastuurku siiyay, waxaan raadraac ku samaynaynaa sooyaal Dastuur iyo midka nidaam ee dalku lahaa.

Waxaan soo qaadanaynaa waajibaadka iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta ee Waddamada ku dhaqma Nidaamka Baarlamaaniga iyo xaaladaha sharci ay ku sugan tahay muddada xil-gaarsiinta.

  1. Waa maxay xukuumadda xil-gaarsiinta

Xukuumadda Xil-gaarsiinta waa xukuumad lahayd awood dastuuri ah iyo kalsoonida hay’adda sharci-dejinta, hase yeeshee isu-bedeshay xukuumad ay xadidan yihiin awoodaha iyo xilalkeedu sababo la xiriira isbedel maamul iyo mas’uuliyada Dastuuri oo ku yimid xukuumadda, sida muudo xileedkeedii oo dhammaaday kadibna doorasho loo dareeray ama Baarlamaankii oo kalsoonidii kala noqday ama is-casilaadda ama geerida Madaxa Xukuumadda iwm.

Waxay xaaladdaasi abuuraysaa in howlihii xukuumadda uu ku yimaad hakad, loona baahdo waqti lagu soo dhiso xukuumad kale oo la wareegta xilka iyo mas’uuliyadaha, siina waddo adeeggii bulshada iyo nidaamkii dowladnimada.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo la xiriira awoodaha iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana arrimahaas xeeriya Dastuurka, Xeerka iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku leeyahay. Waxa jira waddamo xukuumadda xil-gaarsiintu ay ka imaanayso meel ka baxsan xeen-daabka xukuumadda xilkeedu dhammaaday ama dhacday, sidoo kale axsaabta siyaasadeed ee xukunka ku harmadamaya.

  1. Saldhigga Sharci ee Xukuumadda xil-gaarsiinta

Saldhigga sharci ee xukuumadda xil-gaarsinta wuxuu ku qotomaa labo mabda’a oo aasaasi ah. Mabda’a koowaad wuxuu ku salaysan yahaya hab-dhaqan maamul iyo mid nidaam kaasoo ah in eeyan joogsan howlihii xukuumadda iyo adeeggii bulshada, maadaama dowladdu tahay noolee aan dhiman hayeeshee waxa is-bedelaya ay yihiin mas’uuliyadda iyo mas’uuliyiinta.

Mabda’a Labaad waxaa gun-dhig u ah hab-dhaqan Dastuur, maadaama ay xukuumaddu lumisay sharciyaddii, haku lumiso kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka ama siyaabaha kale ee lagu lumiyo mas’uuliyadda sida is-casilaadda, geerida iwm.

Labada mabda’a waxay ku dhisan yihiin falsafadda dastuuriga ee dhigaysaa in howlihii xukuumaddu sii socdaan oo aan hakad ku imaan iyo in la xaddido mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay lumisay sharciyaddeedii ilaa ay ka laga dhisayo xukuumaddii beddeli lahayd.

  1. Aragtida Dastuur ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta (Dastuurka KMG iyo Dastuurradii hore ee Dalka)
  • Dastuurka KMG ee la ansixiyay 1-dii August 2012

Dastuurka KMG si cad uma qeexin awoodda iyo xilka xukuumadda xil-gaarsiinta, sidoo kale wax tilmaan ah kama bixin xaaladaha sharci ee xukuumadda kalsoonida lagala noqday ama xaaladaha kale ee ay ka midka yihiin istiqaalada, geerida iyo xil gudasho la’aanta Madaxa Xukuumadda ee jireed ama maskaxeed.

Haddii aan si quman u dhuganno murtida Dastuurka ee arrimaha la xiriira xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa inoo soo baxaya in ay ku uruurayaan arrimaha soo socda:

  1. Kolka muddo xileedka xukuumaddu dhammaado oo doorasho la’aado, waxaa arrintaas nidaaminaya Qod.103 ee Dastuurka KMG.
  2. Nuxurka iyo murtida qodobka waxay dhigayaan in xukuumadda xil-gaarsiinta loola jeedo tan muddo xileedkeedii dhammaaday ee sugaysa natiijada doorashada iyo xukuumadda beddeli doonta.
  3. Nuqulka Afka Ingiriiska ku qoran ayaa si cad u qeexay shaqada ay qabanayso xukuumadda xil-gaarsiinta taasoo ah sii-wadidda shaqooyinka socda (routine duties).
  • Ma tilmaamin qodobku wax xaddidaya xilalka iyo mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo waxyaabaha ka reeban oo aysan fulin Karin muddadaas.
  1. Gabi ahaanba qodobku kama hadlin xaaladaha sharci ee xukuumadda lumisa kalsoonida Golaha Shacabka ama xaaladaha kale ee is-casilaadda ama geerida.
  2. Haddii Golaha Shacabka ee BFS uu kalsoonida kala noqdo xukuumadda sida ku cad Qod.69/2/E ee Dastuurka KMG. Waxaa jira arrimo badan oo ku gadaaman qodobkaan ama xaaladdaan oo u baahan in la faaqido sida:
  3. Si la mid ah xaaladda hore Dastuurku ma caddeynayo xilka xukuumadda kalsoonida lagala noqday iyo sida laga yeelayo adeegyada bulshada iyo howlaha xukuumadda inta laga soo magacaabayo xukuumad cusub oo xilka la wareegto.
  4. Ma waxay xukuumaddii dhacday sii wadanaysaa waajibaadkeedii caadiga ahaa? Ma la kala dirayaa oo waxaa dhacaya gaab oo muddadaas wax xukuumad ahi ma jirayaan?
  • Maxaa laga yeelayaa mabda’a Dastuuriga ah ee dhigaya in shaqada xukuumadda ay sii-soconaysa oo aan la ogolaanayn bannaan shaqo.
  1. Ma jiraan wax xaddidaya awoodda iyo xilka xukuumadda dhacday inta lagu jiro muddadaas ama laga soo magacaabayo xukuumadda cusub?
  2. Xaaladaha kale ee xukuumaddu dhacaysa waxaa ka mid ah Istiqaalo ama geeri ama xil gudasho la’aan jireed ama mid maskaxeed oo ku timaad Ra’iisul Wasaaraha sida ku cad Qod.90/d iyo 97/4 ee Dastuurka KMG. Dastuurku kama jawaabin su’aalaha soo socda ee muhiimka ah:
  3. Ma cadda xaaladda sharci ee xukuumadda dhacday inta laga soo magacaabayo xukuumad cusub oo bedasha.
  4. Xukuumadda dhacday masii shaqeynaysaa mise meesha wey ka baxaysaa oo xubnaheedii ma tagayaan xafiisyada?
  • Haddii arrimo degdeg oo ka jawaabid u baahan yimaadaan maxaa laga yeelayaa?
  1. Ma la dabakhayaa Mabda’a guud ee dhigaya sii socoshada adeegga bulshada iyo nidaamka iyo maamulka dowladda? Yaase xadidaya xilka iyo waajibaadka shaqo ee xukuumadda dhacday?
  • Dastuurkii 1960-kii

Dastuurkii 1960-kii wuxuu tilmaamay in haddii xukuumadda kalsoonida Baarlamaanku kala noqdo ay xubnaheedu is-casilayaan, sidoo kale in ay sii-haynayaa howlihii socday ilaa laga soo magacaabayo xukuumad cusub, waxaa sidaa caddeynaya Qod.82aad ee Dastuurka.

  • Dastuurkii 1990-kii

Qod.91aad ee Dastuurkii 1990-kii wuxuu si cad u tilmaamayaa in xukuumadda dhacday ay sii wadaysa oo keliya howlaha maamulka caadiga inta xukuumad kale la soo dhisayo.

  • Nidaamka Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Dunida Kale

 

  1. England and Walles (Cabinet handbook- paras 2.27 to 2.31).

Ingiriiska waxay xukuumadda xil-gaarsiin ahaan u shaqeyn kartaa marka ay jiraan saddexda xaaladood ee soo socda:

  1. Marka lagu guda jiro ololaha doorashada guud.
  2. Marka Baarlamaanku (Aqalka Commons-ka).kalsoonida kala noqdo Xukuumadda.
  3. Haddii aysan ka soo bixin doorashada natiijo sugan oo aan dhinac guushu raacin.

Inta lagu guda jiro xaaladdaas waxaa ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta fulinta arrin la xiriirta siyaasad cusub ama ay gasho heshiiyo caalami ah ama ay soo saarto go’aanno masiiri ah oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa.

  1. Xilalka, awoodaha, waxyaabaha ka reeban iyo aaladaha lagu xakameeyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Haddaba waxaan halkaan ku soo bandhigaynaa awoodaha, xilalka iyo waxyaabaha ka reeban ama xaddida xukuumadda xil-gaarsiinta, anagoo ka soo dheeganayno Dastuurka iyo Xeerarka Dalka, sidoo kale kala soo baxayno taxliilka iyo faaqidaadda aan ku samaynay waddamada caalamka ee la xiriira xilka iyo aaladaha lagu xaddido ama lagu xakameeyo xukuumadda xil-gaarsiinta:

  1. Waxay xukuumadda xil-gaasriintu leedahay xilalka iyo mas’uuliyadaha soo socdo:
  2. Fulinta howlaha socda (routine duties) ee la xiriiray maamulka guud iyo u adeegidda bulshada.
  3. Arrimaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto ee la xiriira danta guud, haddii aanay caqabad ku noqonayn xukuumadda la magacaabayo ama aysan abuurayn qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed.
  4. Xaqiijinta doorashada marka mudda xileedka xukuumadda uu dhammado, lana galo doorashada iyo ka shaqeynta dhisidda xukuumad cusub.
  5. Fulinta howlaha horay u socday go’aanada siyaasadeed ee ay qaadatay xukuumadda dhacday ama waqtigeedu dhammaaday.
  6. Waxyaabaha ka reeban ama xakamaynaya xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa ka mid ah:
  7. Soo-jeedinta wax ka beddelka Dastuurka.
  8. Curinta ama soo gudbinta hindise ama mashruuc sharciyeed.
  9. Soo saaridda qaraarro ama go’aanno ay ku jiraan wax ka beddel qodobo sharci.
  10. Kala diridda Baarlamaanka.
  11. Go’aanno wax ka beddelay qaab-dhismeedka hay’adaha iyo mu’assasaadka guud.
  12. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya xeer nidaamiyeyaasha dowladda.
  13. Qaraarro ama go’aanno wax ka bedelaya ama ku xadgudbaya xuquuqda uu Dastuurka iyo Sharcigu aqoonsan yahay.
  14. Magacaabid leh ahdaaf siyaasadeed aad u fog.
  15. Jaangoynta qiimaha badeecada, mushaaraadka iyo adeegyada ee saamaynaya dhaqaalaha qaranka.
  16. Go’aanno abuuray qalaalse ama khilaaf siyaasadeed.
  17. Gaaridda go’aanno siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa.
  18. Qabashada afti dadweyne.
  19. Ansixinta hindise sharci oo qabyo ee la xiriira miisaaniyadda dowladda.
  20. Curinta siyaasad cusub ee xukuumadda ama wax ka beddelka siyaasaddii hore ee xukuumaddu ku shaqeynaysay.
  21. Gelidda heshiisyo caalami ah ama kuwo waqti dheer qaadanaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub.
  22. Magacaabidda xilalka sare ee dowladda.

ILAHA IYO TIXRAACYADA:

  1. Dastuurka MKG ee soomaaliya.
  2. Dastuurkii 1960-kii.
  3. Dastuurkii 1990-kii.

iyo Ilo kale oo weyn

WABILLAAHI-TOWFIIQ

W/D: Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur

Qareen Zakariya I. Nuur waa qareen, bare Jaamacadeed iyo cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdishu, wuxuu xubin ka yahay Ururka Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay.

Zakariyei@gmail.com

Related posts

Daawo Video:- Cabdi Qeybdiid oo sheegay in dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahan..

admin

War murtiyeed ka soo baxay kulankii wasiirada arrimaha dibeda ee ka dhacay Jabuuti

Caydiid Ali

C/wali Gaas oo diiday go’aankii ay Isimida Puntland ku fasaxeen Madaxda DF (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---