Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey) waxuu sanad ka badan ahaa taliyaha horinta sedaxaad ee ilaalada Ra’iisul Wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday ee Xasan Cali Khayre, walina sidii ayuu ugu magacaabanyahay maadaama uusan wali ka guurin madaxtooyada, hase yeeshee shaqadii lagu ogaa ayuu mar qura ka weecday wuxuuna billaabay afduubidda gaadiidka mas’uuliyiintii Ra’iisul Wasaaraha lasoo shaqeysay.
Qorshaha ugu weyn ee afduubka gaadiidka waxaa maleegay Cabdirisaaq Caato oo ula tagay abaan duulka ciidamada Madaxtooyada Maxamed Caaley, wuxuuna ka codsaday inuu ku caawiyo si cadaadis loo saaro ragii lasoo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre .
Maxamed Caaley waa aqbalay codsida Caato kadib markii ay is tusiyeen inay caqabad ku yihiin qorshaha madaxweynaha ee muda kordhinta, waxaana kadib amarka lasoo gaarsiiyay Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey), mana jirin cid ka baxsan sedaxdooda oo qorshaha wax ka ogeyd, waxayna xitaa qorshahooda guracan ka qariyeen taliyaha ciidanka maadaama uusan beeshooda kasoo jeedin.
Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey), taliyaha horinta ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Maxamed Caaley, abaan duulka Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Qaranka iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato), Xoghayihii KMG ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Sedaxda nin waxa ay kasoo jeedaan Qoyska Madaxweynaha.
Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey) oo ahaa ninkii lagu aaminay amniga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xasan Caki Khayre, ayaa afduubka gaadiidka ku billaabay gaari uu wato, Yaxye Cali Hareeri oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Afduubka ayaa ka dhacay illinka guriga uu deganyahay Ra’iisul Wasaarihii uu Codey amaankiisa ilaalinayay. Falka afduubka ah ee ka dhacay irridda Ra’iisul Wasaaraha waxuu sababi karay qatar intaas ka badan hadii dagaal uu dhex mari lahaa ciidanka gaariga la socday iyo ciidanka kale ee afduubay. Mas’uuliyaddii laga saaray amniga Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala weynaatay ilaalinta danaha qabiilka.
Falkaan oo bulshadu ku tilmaamtay mid aan kasoo maaxan maskax fadhida, dadka Soomaaliyeedna soo xasuusisay xilligii hogaamiye kooxeedyada ee maleeshiya beeleedku ay gaadiidka sida xad-dhaafka ah u dhacayeen iyagoo fulinaya danahooda iyo danaha qabiilka, ayaa markii ay dhacday kabdib waxaa xilka laga gaaday Cabdirisaaq Caato oo ahaa maskaxdii ka dambeysay ee saraakiisha qaabka qabiilka u adeegsaday.
Su’aashu waxay tahay xil ka qaadista Cabdirisaaq uun miyaa lagu qariyay halista la geliyay amniga Xasan Cali Khayre mise anshax marin iyo eedeyn kale oo garsoor ayaa la marsiin doonaa saraakiisha ay isku reerka yihiin Madaxweyne Farmaajo, mise waxay qayb ka noqon doontaa falalka ma hadhada ku reebay ee ay Villa Somaliya lasoo ifbaxday?
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Niarobi-Kenya
Allbanaadir@live.com