Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taliyaha Booliska Somalia oo kormeer kedis ah ku tagay degmada Afgooye

Saraakiil Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ah oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Safar Kormeer iyo u kuurgelid ah ugu ambabaxay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo uu dhawaan ku soo fatahay webiga Shabelle.

Taliyaha ayaa kormeeray Saameeynta Fatahaada iyo xaaladaha amni ee degmada Afgooye, isagoo tagay saldhiga Booliiska iyo Taliska Daraawiishta Afgooye.

Waxaa uu warbixin ka dhageystay Gudoomiyaha degmada, Taliyaha Saldhiga iyo Taliska Daraawiishta, maadaama ay Ciidanka Daraawiishtu hadda la howlgalaan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Booliska degmada kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga isla markaana ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay fatahaadu saameysay si mucaawinada dowladu ay si xasiloon ugu gaarto.

Kormeerka taliyaha Booliska ayaa ku soo aaday xili la sheegay in musuq iyo boob lagula kacay gargaar dhowaan la gaarsiiyey degmada Afgooye oo loogu talo galay dadka ku barakacay fatahaada ka dhacday degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo u yeeratay danjireedii Muqdisho, kuna amartay Safiirka Somalia inuu ka baxo dalkeeda

Caydiid Ali

Shacabka Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay Xil ka qaadistii R/W Kheyre

Cabdi Cade

Deni oo kulan wadajir ah la qaatay goleyaasha Maamulka Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---