Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkadda TikTok oo la timid xeelad looga badbaadinayo in laga mamnuuco Maraykanka

Sida uu qoray wargeyska New York Times, Shirkadda Microsoft Corp ayaa wada-hadallo kula jirta shirkadda ByteDance, si ay uga iibsato app-ka aadka loo isticmaalo ee TikTok.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku day loogu bad-baadinayo App-kan in laga mamnuuco dalka Mareykanka.

Hanjabaadda Trump ayaa timid kadb markii saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in App-kan ay adeegsadaan sirdoonka Shiinaha – Sheegashadaas oo shirkadda ByteDance ay beenisay.

Iibka TikTok ee Microsoft ayaa saameynaya oo kaliya qeybta App-kan ee dalka Mareykanka, sida uu qoray New York Times.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyana qortay in ByteDance ay shirkado kale oo Mareykan ah u yaboohday inay ka iibiso howlgalladeeda Mareykanka, si shirkaddan looga badbaadiyo in laga mamnuuco Mareykanka.

Suuqa Mareykanka ayaa muhiim u ah TikTok, waxaana la rumeysan yahay in App-kan ay dalka Mareykanka ka isticmaalaan 100 milyan oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu TikTok ka mamnuuci doono Mareykanka, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Garsoorayaal ku baaqay in Doorashada Madaxweynaha Puntland laga reebo C/Wali Gaas

Cabdi Cade

Sacuudiga oo amar cusub ka soo saaray haweenka soo gudanaya waajibaadka Xajka

Caydiid Ali

Gudoomiyihii iscasilay ee Guddiga doorashada Puntland oo eedeymo culus u jeediyey Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---