Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sii hayaha RW oo xariga ka jaray Machadka sare ee Daraasaadka Amniga (Sawirro)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka.

Dowladda ayaa dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan oo argagaxisadu ay dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta dowladda, ayna noloshii caadiga aheyd dib uga billaabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo jawaab ka bixiyey booqashada wafdiga Somaliland ku tageen Taiwan

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay Mashaqada ka taagan Laascaanood

Caydiid Ali

Dilaagii Muqdisho ee Macallin Ilkacase & xubnihii kale sida loogu fuliyey dilkii toogashada & Qaramada Midoobay ..!!

admin
Taboola Ads ---