Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ee Garawe, waxaana kulankan shir Gudoominayay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Gaas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arimo kala duwan ay kamid yihiin Amniga Puntland, Safarkii Madaxweynaha ee Isugga Imaaraatka Carabta, Curashada roobabka Guga iyo Saamaynta Abaaraha iyo Imtixaanada Dugsiyada sare iyo Dhexe ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo Wasiirada uga warbixiyay Safrakii uu Imaaraadka ku tagay ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka u sameesay maamulkiisa balan qaadyo muhiim ah sida xoojinta arimaha iskaashiga, Amniga, iyo Horumarinta ay ka wadaan Puntland.
Halkan ka Akhriso War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Wasiirada Puntland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com