Dadka Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoogan ku qaba Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya arimaha xajka, waxaana dadka Soomaaliyeed laga qaadaa lacagta ugu badan ee lagu tago Sacuudiga gaar ahaan xiliga Xajka marka looga eego wadamada kale.
Shirkadaha Lacagaha badan ka qaata dadka Soomaaliyeed ayaa u sheega dadka in adeegyo fiican u qabanayaan sidoo kale ay dejinayaan Hoteelo fiican oo u dhaw goobaha Cibaadada .
Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore qofkiiba looga qaadanayay lacag ku dhaw 4-kun oo dollar, kaaga daran waxa ay dadka Soomaaliyeed la kulmeen dhibaatooyin badan sida aad muuqaalkaba aad ka daawan doontaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadkan uu jiri doono isbadal badan oo lagu sameenayo lacagaga badan ee dadka laga qaado, walina ma jiro lacag la isku afgartay oo la shaaciyay in sanadkan bixinayaan dadka doonaya in ay soo xajiyaan waxaana wali taagan is qab qabsi ka jira Shirkadaha Diyaraadaha iyo Dowladda Soomaliya waxaana Suuragal ah in Sanadkaan ay baaqdaan Xujayda Soomaaliyeed ee soo gudan lahaa Gudashada Waajibaadka Xajka.
https://www.youtube.com/watch?v=VYD-H1O_0MU&feature=youtu.be
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com