Allbanaadir.com
NEWS

Mahrajaan Cajiib ah oo lagu soo bandhigay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay Mahrajaan cajiib ah oo loogu dabaal degayay munaasabada ciida, waxaana mahrajaankan usoo daawasho tagay dad aad u badan.

Fagaaraha lagu soo bandhigayay mahrajaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil katirsan Al Shabaab, dagaalyahano iyo bulshada ku dhaqan magaalada Ceelbuur oo qeyb ahaa mahrajaankan.

Dadkii ka qeyb galay mahrajaanka lagu qabtay Ceelbuur ayaa soo bandhigay tartamo cajiib ah , waxaana qaar kamid ah dadkii wacdaraha ka dhigay mahrajaankan la gudoonsiiyay abaal marino kala duwan.

Al Shabaab ayaa magaalooyinka ay ka taliso xiliyada ciidaha kusoo bandhigta mahrajaan ay usoo daawasho tagaan dad aad u badan, waxaana mahrajaankan noqdeen kuwa aad looga xiiseeyo magaalooyinka Al Shabaab maamulaan.

Related posts

Taliyaha ciidanka Dhulka oo furumaha ee dagaal u tagay abaabul dagaal oo…

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo bilaabay Mashruuc lagu gudayo 100-kun oo rag ah iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo ka digay halista ay leedahay isticmaalka Tiktok

Cabdi Cade
Taboola Ads ---