Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Agaasime Koofi oo Masuuliyiin kala duwan kula kulmay dalka Norwey

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo safar shaqo ku marayey qaar ka tirsan wadamada Yurub ayaa gaarey dalka Norway.
Generaal Koofi ayaa kulamo kala duwan la qaatey laanta socdaalka, taliska booliiska, Xaruunta kaararka Aqoonsiga, wasaaradda Caddaaladda, iyo wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Norway, waxaana laga wada hadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Agaasimaha guud iyo la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa ka qeybgaley sidoo kale kulan lagu soo gabagabeynayey tababaro iyo shirar Norway uga socday saraakiil ka tirsan HSJ, kuwaas oo mudo asbuuc ah joogey magaalada Oslo ee dalka Norway.
Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doonta dhameystirka ogolaanshiyaha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyada oo hore Norway u ogolaatey baasaboorka dublamaasiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaarihii dowlad Goboleedyada ee ka socday Muqdisho oo la hakiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Macalinkii Qurxoonaa ee tuuga isku bedelay iyo Saaxiibkiis oo xukun adag lagu riday !!

Cabdi Cade

Meydadka qaar ka mid ah dadkii xalay lagu laayey degaanka Bariire oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---