Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo saxiixaya amar culus oo ka dhan ah Shabakada TikTok

Dowlada Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka  mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay dhawaana saxiixayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaan waxbo kasoo qaadin amarka Trump ku mamnuucayo TikTok, waxa uuna sheegay in shirkadda ay ku kalsoontahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa iney Mareykanka ka helaan macaamiil badan.

Shabakada TikTok ayaa dadka isticmaala gudaha Mareykanka lagu sheegay in ay gaarayaan 80-Milyan oo qof, waxaana mamnuucida Mareykanka Tiktok ku yeelan doontaa saameyn xoogan.

Mamnuucida TikTok ee dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana la sheegay in khilaafka labada dal sabab u noqonayo in Mareykanka dalkiisa ka manuuco shabakadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbadal ku sameeyay Guddiga Maaliyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo Jabuuti kula kulantay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---