Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed & xubno kale oo la magacaabay (Magacyada)

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka.

Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

Shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump iyo Amiir Max’ed Bin Salmaan oo lagu riday xukun dil ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaarayaal hore iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Garawe lana kulmay Deni (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Gorgor oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---