Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada Ciidul-adxaa, hambalyana diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441Hijriga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda.

“Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.”

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay munaasabaddan barakaysan geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Mucaarad ah iyo Siyaasiyiin caan ah oo kamid noqonaya Wasiirada Galmudug

Cabdi Cade

Farmaajo oo arrimo badan kaga hadlay Khudbadii Munaasabada 1-da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---