Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Qatar oo dhinaca Amaanka ka taageereysa Soomaaliya

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo nuuc kasta oo argagaxiso ah, waxa ayna sheegtay Qatar in ay aad uga xun tahay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Wanlaweyn.

Qatar ayaa balan qaaday in dowlada Soomaaliya ay siineyso taageero dhinaca amaanka ah si looga hortago kooxaha argagaxisada, waxa ayna Qatar sheegtay in Soomaaliya muhiim tahay in laga caawiyo dhinaca amaanka.

Dowlada Qatar oo xiligan xiriir dhaw la leh Soomaaliya ayaa u muuqata mid wadamada kale kaga hormareysa cambaareynta qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, waxa ayna Qatar marar badan balan qaaday in dhinaca amaanka ka taageereyso Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo ma tanaasulay mise waa lagaga adkaaday Shirkii Muqdisho ?

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Cabdi Cade

Koox la magac baxday Cali Qaran oo dagaal la gashay Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---