Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Donald Trump oo dalbaday in loo sameeyo muddo kordhin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo jeediyey fikrad uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November.

Trump ayaa, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo.

“Dib u dhiga doorashada illaa inta ay dadka si sax, amni ah oo nabdoon ugu codeyn karaan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Trump ayaa shaki geliyey sharci ahaanshaha codeynta lagu dhiibto habka boostada ee dadka warqadaha codeynta kasoo diraan guryahooda, taasi oo gobollo badan oo ka mid ah dalka ay sare u qaadeen kadib faafitaankii cudurka Coronavirus.

Warka kasoo baxay Trump ayaa yimid ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaan inuu ka dambeeyo musharaxa dimoqraadiga ee Joe Biden, suurta-galna ay tahay in looga adkaado doorashada 3-da November.

Taariikhda codeynta doorashada Mareykanka – oo ah Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa ee bisha November ee sanad kasta oo afaraad – ayaa waxay ku dhigan tahay dastuurka Mareykanka, waxayna u baahaan doontaa in Congress-ka uu bedelo taasi oo aan muuqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo Wasiirka arrimaha gudaha u dooratay nin Pakistani ah

Caydiid Ali

Dowladda Kenya oo war kasoo saartay kulankii Uhuru iyo Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay Jubaland !!

admin

Hubka ciidamada dowlada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo Suuqyada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---