Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hadalada beesha caalamku ka adag kuwii hore ee talaabada quman Maxay tahay?

Run ahaan Awood yarida Dowladeena oo ah mid la taageero. dhinacyada Amniga. Siyaasada. Dhaqaalaha iyo dowlad dhisida intaba. ayaa ka dhigeysa mid aan ka maarmin taageerada Beesha Caalamka. wey jiri kartaa aragtida ah inan nahay dal madax banaan oo sharaftisa leh. balse taasi kafaala qaadi meyso inan kaligeen xalisano baahiyaheena dhinac walba leh. sidaa oo ay tahay waxaan marna leyska indha tiri karin waaqica iyo xaalada aan haatan ku suganahay oo aan aheyn mid leh xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ama amni.

Mar hadaan halkaa mareyno. kana wada dheregsanahay marxaladahii iyo dhacdooyinki is daba jooga ahaa ee dalka Soo maray. kala taagtaagnaashiyahii Maamul Gobaleedyada. Asxaabta Siyaasada iyo Dowlada Dhexe, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuna ay si dhow ula socdeen, ugu Dambeyntiina ay rajada soo bidhaamisay Dhuusamareeb 1 & 2 . lona balansanaa Dhusamareb 3. maamuladuna ay dhamaan gudbiyeen xubnahi lagu balamay ee gudiyada. Dowlada dhexe-se aysan weli magacaabin. taasina ay dareenkeeda leedahay. sida ay dowlada dhexe wada hadalkaa daacad uga tahay. waxaa xaalada Murjiyey kalsooni kala noqoshadi Xukumada ee Barlamanka ka dhacday. taasina waxay meesha ka saartay kalsoonidii ay Caalamka iyo Soomaalidu ku qabi kareen in ay dowladu doorasho diyaar u tahay.

Bayaanada Beesha Caalamka ka soo yeeray Dowlada dhexe waxay u qaadatay wax aan micno weyn ku fadhiyin. run ahaantii aragtidaasi waa mid aan maangal aheyn. jawaabaha laga biyayna aysan aheyn kuwii mudnaa fal celintooda. hase yeeshee bayaanadi hore iyo kuwa haatan wey kala nuxur iyo ujeedo duwan yihiin. haatan waa weedho aad u adadag. runtii in si waaqici ah oo maangal ah in loola fal galo bey u baahan tahay. fudeyd iyo indha adeygii aan ku soconay sidan bey dhashay. waa in qidad kale oo wax lagu abaaro la helo. hadii kale shaqsiyaad baa si cad oo aan ganbasho laheyn xayiraad logu soo rogi doonaa.

Soomaaliya kama duwana Fenuswela iyo wadamo kale oo xaaladahan siyaasadeed oo kale ay ka jireen. kuwaa oo ka dhega adeygay baaqyadii beesha Caalamka xaalkoodu waa sidee. weliba iyagaa ina dhaamay oo hey’adahoogii dowliga ahaa iyo dhaqaalahooguba dhisnaa. dalkooduna nabad ahaa. dowladooduna u talisaa.

Yeynaan iska dhaadhacsiin Qiyaali aan ina kaafin karin. ogow cid kastoo aan isku haleyno markii dhibtu ina taabato wey kaa jeesanaysaa. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”. waxaan heysanaa Fursad aan in badan ku saxan karo. waxaa jira dad waqtigan adag wajahi kara. waa in si xigmadeysan loo wajaho marxaladan ee ay tahay in aan la fududeysan. Maanta wax baad qaban kartaa. balse soo baraaruga marka nabarku ku gaaro waxba kuma tari doonto. oo yaan dalka Cadow loo loogin.

Waxaa Qoray: Abdurashid Deyl

Fiiro gaar ah: Qoraalkan kama turjumayo aragtida allbanaadir online, waa fekerka qoraaga ku saxiixan

Related posts

Madaxweyne Waare Oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho kana warbixiyay Shirkii Baydhabo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Doorashada iyo arimo kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Shacab lagu laayey duqeyn ka dhacday Magaalada Hodeida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali