Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo Madaafiic ku weerartay Markab dagaal oo loo ekeesiiyay kuwa Mareykanka (Sawirro)

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa dhoolo tus xoogan ka sameeyay marin biyoodka Xurmuus, waxa ayna ciidamada kacaanka Iran soo bandhigeen awooda dhinaca ciidamada badda iyo Maraakiibta dagaal ay heestaan.

Dhoolo tuska milatari intii uu socday ayaa ciidamada ilaalada Kacaanka Iran waxa ay madaafiic ku duqeeyeen markab kuwa diyaaradaha qaada oo loo ekeesiiyay kuwa  ciidamada Mareykanka adeegsadaan.

Muuqaalo iyo sawirro ay baahiyeen Warbaahinta Iran ayaa muujinaya gantaalo laga riday diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo madaafiic lagu garaacay markabka loo ekeesiiyay kuwa ciidamada Mareykanka.

Markabkan oo loo ekeysiiyay kan maraakiibta iyo diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee inta badan kormeera marinka Xurmuus, waxaana ka muuqday diyaaradaha kuwa dagaalka oo dhinacyada ka saaran.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhaxe ayaa heegan buuxa la galiyay inta uu socday dhoolo tuskan ciidamada Kacaanka Iran sameenayeen, waxa uuna u muuqday dhoolo tuskan mid lagu cabsi galinayo ciidamada Mareyakanka.

“Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sameyeen dhoolatus is difaacid ah, waxaana ka wada qeybgalay saaxiibadeen, taas oo sare u qaadeysa ammaanka maraakiibta mara badda, halka Iran ay sameneyso dhoolatus duulaan ah oo ay isku dayeeso in ay nagu cabsi geliso,” ayuu yiri Rebecca Rebarich oo ah afhayeenka ciidmada badda Mareykanka ee ku sugan Baxrayn.

Dhoolo tuskan ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa dalalka Iran iyo Mareykanka, Iran ayaana maalmo kahor ku eedeesay Mareykanka in handadaad ku sameesay diyaaradahooda xamuulka ee aada dalka Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtarad safka hore ugu jirtay dagaalka ka dhanka ah Caronvirus oo is dishay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo la Dardaarmay Xubno katirsan Komishanka Doorashooyinka oo Shalay la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Halgan kasta oo xalaal ah laguma guuleysto ilaa la huro Naf iyo Maal”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---