Allbanaadir.com
NEWS

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka oo amar siiyay maamulka Bangiga dhexe

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo xarunta bangiga dhexe kulan kula qaatay guddoonka bangiga dhexe ayaa ka dhageystay sida howluhu u socdaan waxuuna kula dardaarmay inay ku dadaadaal sii horumarinta shaqooyinka qaanka ee dhanka maaliyadda.

Sida aan wararka ku helnay Mahdi Guuleed ayaa amar ku siiyay Maamulka Bangiga Dhaxe in wax lacag ah aysan ogeyn xafiiskiisa aan laga bixin karin inta lagu guda jiro xaalada kala guurka ah.

Bankiga dhexe ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Kormeerka uu Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hubinayo habsami u socodka shaqooyinka dowladda iyo kahor tagga saameyn ka dhalata isbedelka siyaasadeed, lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda, sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Murusade oo ka arinsaday Dhismaha Galmudugta Cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shir lagu qiimeynayo shaqada dowlada oo Muqdisho ka furmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka Jaamacada Benaadir oo ka hadlay ardaydii ku dhimatay qaraxii Ex-Control

Caydiid Ali