Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax ka socotey Hay’ada UNFPA.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.
Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.
Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey Madaxweynahad Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankii uu madaxqweynhu la yeeshay maanta waxaa uu kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isagoona sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.
Dhinaca kale Mr. Luay Shabeneh ayaa ku ammaanay Puntland ka hortaga iyo ladagaalanka tacadiga loo gaysto haweenka, isagoona sheegay in marka loo eego Soomaaliya in Puntland ay tahay meel xasiloon oo ay yar yihiin denbiyaha ka dhaca ee lagula kaco haweenka.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waftiga kusoo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen sidoo kalena ku bogaadiyey Haya’dda UNFPA shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlaha baaxada leh ay ka fuliyeen Puntland.
Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in hada uu yar yahy tacadiga haweenka lugula kaco, taasna ay muujinayso sida Hay’addaha Puntland uga hawl galeen amuurtaasi, sidoo kalena sheegay inay lama huraan tahay in laga gudbo caadooyinkii hore ee waxyeelada u gaysan kara caafimaadka hooyada iyo dhalaankaba.
Ugu danbayn madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay bulshooyinka caalamaka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedba in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya haweenka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com