Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo la kulmay Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Habar Gidir iyo Xog ku aadan waxii ay …

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wada wadatashiyo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee xilka heyn doona dhoorka bilood ee ka harsan mudo xileedka dowlada.

Farmaajo ayaa bilaabay in uu qaabilo qaar kamid ah beelaha Hawiye si uu ugala tashto magacabaista Ra’isul Wasaaraha cusub ee badali doona Xasan Kheyre, wxaa ayna beelaha qaar ka dalbadeen Madaxweynaha in xilka u magacaabo shaqsi kasoo jeeda beeshooda.

Madaxweynaha ayaana xalay Madaxtooyada kula kulmay Siyaasiyin iyo Odayaal kasoo jeeda beesha Habar Gidir, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen dhismaha Xukuumada cusub iyo soo xulida shaqsiga noqon kara Ra’isul Wasaaraha.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habar Gidir ayaana ka codsaday Madaxweynaha in Ra’isul Wasaaraha kasoo xulo Beeshooda , waxa ayna sheegeen in markan iyagu xaq u leeyihiin in kursiga R/wasaaraha la siiyo.

Sida aan wararka ku helnay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habar Gidir ayaana madaxweynaha u gudbiyay liiska shaqsiyaad dhoor ah ay ka dalbadeen in midkood kasoo xusho, waxa ayna u balan qaadeen wada shaqeyn buuxda hadii uu kursigaasi siiyo.

Kursiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee xilka heyn doona dhoor bilood kaliya hadii uusan hirgalin damaca mudo kororsiga Farmaajo ayaa waxaa hardan xoogan ugu jira beelaha qaar oo durba bilaabay olole ay kursigaasi ku baadi goobayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaana doonaya in uu Xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabo shaqsi ay wada shaqeyn karaan sidoo kale meel marin kara damaciisa ku aadan in mudo kororsi la sameeyo dibna loo dhigo dooarshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish-ta Somalia oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali

Booliiska Soomaaliya oo amray in laga guuro dhul kuyaalla magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Al Bashiir oo xaaladu ku xun tahay kana hadlay wal walka uu qabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---