Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaak Xuseen Aaden ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay
Munaasabad kooban oo loo qabatay waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Sii-hayaha wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi xaamud.
Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxemed Guuleed (Qadar) ayaa 25-kii bishan xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa u magacaabay inuu noqdo Cabdirisaaq Xuseen Aadan, isagoo xilkana ka qaaday xoghayihii hore Axmed Nuur oo ahaa masuul si weyn ula soo shaqeeyey sanadahan dambe RW hore Xasan Cali Khayre.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com