Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada & Heyadaha amniga

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiinta heyadaha kale ee amniga dalka.

Kulankan oo ka socda Villa Somalia ayaa waxaa ka qeyb galaya taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliska iyo asluubta, sidoo kale waxaa goob joog ah agaasimaha NISA, Wasiirada Wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha iyo xubno kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin sugida amaanka dalka gaar ahaan caasimada xiliga kala guurka ee xukuumada xafiiska baneyneysa.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili uu xafiiska baneeyey RW hore ee Somalia Khayre ka dib markii Xukuumadiisa uu baarlamanku sheegay iney dhacday nidaamka loo maray arrintaas lagu tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Wasiirro uu ku jiro Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Generaal Jaamac Max’ed Qaalib oo geeriyooday ka dib xanuun uu muddo la ildarnaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---