Kooxo Yahuud ah ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Masaajid kuyaala Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana dadka falkaasi ka dambeeyay la sheegay in ay doonayaan in ay degaan dhulka uu kuyaalo masjidkaasi
Wasaaradda arrimaha diinta ee maamulka Falastiin ayaa ku eedeeyey dadka Yuhuudda ah ee doonaya in si xoog ah ku degaan dhulka Falastiin ay ka dambeeyeen falkan lagu gubay Masjidka.
Wasiir ka tirsan maamulka Israel ayaa si kulul u cambaareeyay falkan kooxda Yahuuda ah ku gubtay Masjidka Al Bireh ee kuyaala Daanta Galbeed, waxa uuna sheegay in falkaasi ka dambeeyeen dambiilayala naceyb abuuraya.
Waxa uu dalbaday Wasiirkan katirsan maamulka Isra’il in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkan lagu gubay masjidka, mana xusin wasiirka cida rasmiga ah ee falkan masjidka lagu gubay ka dambeesay.
Sarkaal ka tirsan adeegyada gurmadka degdegga ah ee Falastiin ayaa sheegay in qeyb ka mid ah masjidka Al-Bir iyo Al-Thsan la gubay ka dib markii walxa dareere ah oo holcaya daaqadda dhismaha laga soo dusiyey aroortii hore.
Dadka daggan agagaarka masjidka iyo dab-damiyayaashu ayaana ku guuleysteen in ay dabka bdamiyaan, iyadoo aagga lagu tukado salaadda ee masjidka ay ka badbaadday waxyeelo soo gaarta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com