Xildhibaano tiradooda rasmiga ah aan laheyn ayaa sabtidii codka kalsoonida si ama filaan ah waxa ay ugala noqdeen Xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ka dhashay talaabada Baarlamaanka qaaday shaki badan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in si deg deg ah kusoo abaabushay mooshinka iyo kalsooni kala noqoshada Xukuumada, waxaana soo baxaya in lacag badan lagu bixiyay ridista Xukuumada.
Qaar kamid ah Xildhibaanadii qeybta ka ahaa kalsooni kala noqoshada Xukuumada ayaa sheegay in dhaqaale badan ku qaateen mooshinkaasi, waxa ayna qaarkood sheegeen in aysan jecleyn ridista xukuumada balse dantu keentay.
Sida aan wararka ku helnay ilaa 170-Xildhibaan oo lasoo qoray habeenkii sabtida sii galeysay ayaa loo qeybiyay lacag u dhaxeysa 20-kun ilaa 10-kun oo Dollar, Xildhibaanadaasi ayaana laga saxiixay mooshinkan kahor inta uusan kulanka furmin.
Ajandaha kulanka Baarlamanaka sabtidii ayaa la sheegay in uusan ku jirin ridista Xukuumada , waxa uuna ajandaha loo sheegay Xildhibaanada ahaa ka doodista doorashada balse si lama filaan ah gudoonka ku shaaciyay in kalsoonida lagala noqday Xukuumada.
Xildhibaaada la sheegay in raaliga ka ahaayeen ridista xukuumada Kheyre ayaa isugu jiray kuwa daacad u ahaa Madaxtooyada, kuwa loo balan qaaday in Wasiiro laga dhigayo iyo kuwa lacago badan ku qaatay .
Madaxweyne Farmaajo oo gadaal ka riixayay mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa si deg deg ah ku aqbalay ridista Xukuumada kheyre, waxa uuna durba R/Wasaare KMG ah kasii dhigay Mahdi Guuleed.
Beesha Caalmka iyo dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid talaabada Baralamaanka qaaday , waxa ayna sheegeen in sharci daro aheyd habka loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com