Waxaa sii kordhaya cambaareynta iyo dhaleeceynta loo jeedinayo hab raacii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya u mareen radista Xukuumadii uu hogaaminayay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waxii Baarlamaanka ka dhacay sabtidii ahaayeen wax sharciga baalmarsan.
Waxa uu xusay Cabdiweli Gaas in si cad loo baalmaray xeer hoosaadkii Baarlamaanka u yaalay iyo nidaamkii la rabay in loo maro kalsooni kala noqoshada Xukuumada, sidoo kale la diiday in fursad uu isku difaaco la siiyo R/wasaaraha Xukuumada.
“Waxii ka dhacay Sabtidii Baarlamaanka waxa uu ahaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg , ma aheyn waxa halkaasi ka dhacay wax sax ah oo ku haboon nidaamka dowladnimada, aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas.
Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka iyo gudoonka doonayaan mudo kororsi , waxa uuna xusay in Baarlamaanka sidaan oo kale u dhaqmaan markasta oo la gaaro xiligan oo kale oo kala guurka ah.
Kalsooni kala noqoshada Xukuumada Soomaaliya ayaa dhalisay cadaadis xoogan oo ka dhan ah Dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana ridistii Xukuumada kasoo horjeestay Beesha Caalmka iyo maamul goboleedyada qaar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com