Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo kormeeray xarunta Dhaxe ee maamulka hawada dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug. oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo gaadiidka Gurmadka deg dega u dirtay Shacabka Falastiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---