Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal Boolis ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska DF ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii rasaas lagu furay.

Col. Feyte dhegacadde ayaa lagu toogtay xaafada Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen sarkaalka oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana baxsaday raggii dilka fuliyey sida ay dad goob jogayaal ah warbaahinta u sheegeen.

Sarkaalka dilay ayay wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa ciidamadii laga soo wareejiyey NISA ee lagu daray ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa sheegatay iney ka dambeeyeen dilka Col. Feyte oo ay ku sheegeen inuu ahaa taliyaha Booliska saldhiga Degmada Hodan, Balse warar madax ayaa sheegaya in Col. Feyte uusan taliye ka aheyn saldhiga Hodan balse uu ka mid ahaa saraakiisha ciidankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Jidka mara Madaxtooyada oo dhib laga soo sheegay & Awooda Golaha Shacabka oo lala wareegay !!

admin

Rasaas iyo qaraxyo laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho

Cabdi Cade

Faransiiska oo loogu baaqay inuu wax ka qabto cunsuriyadda ay ku kacaan ciidamadiisa boolisku

Cabdi Cade
Taboola Ads ---