Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo kormeer shaqo ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo in isbedelku uusan saameyn ku yeelan howlaha ay qaranka u hayso wasaaraddu.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo sii hayaha ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay wasaaradda ayaa sheegay inay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo habsami u socodka howlaha Wasaarada.
“Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’iisul wasaaraha dar-dar galinta howlaha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saameynta dhaqaale ee Covid-19” ayuu yiri sii hayaha Wasiirka maaliyadda”ayuu yiri wasiir Beyle.
Wasaarada Maaliyada ayaa ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan ee xukuumada Somalia, taasoo u xilsaaran, arrimaha dakhliga soo galaya iyo midka baxaya ee heyadaha dowlada iyo hirgelinta miisaaniyad sanadeedka dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com