Xaalad adag ayaa ka taagan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo maalmihii ka soo dhaafay uu si weyn ugu fatahay webiga Shabelle ee dhexmara degmadaas.
Dhibaatooyinka ka dhashay fatahaada webiga Shabelle ayaa saameyn kala duwan ku yeelatay shacabka degmadaas oo haatan intooda ka barakacay guryahooda, una hayaamay degaano ku yaalla duleedka Muqdisho iyo meelo kale.
Wararka saacadihii ugu dambeeyey naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Yaxaas uu halkaas ku cunay ilmo yar oo ka mid ahaa labo caruur ah oo la socday hooyadood, kuwaasoo xiligaas dhex socday biyaha ku fatahay xaafadaha, iyagoo rabay iney ka baxaan guryahooda ay soo galeen.
Hooyadan oo la hadleysay warbaahinta gudaha ayaa waxaa laga dareemayey murugo fara badan iyo naxdin ay ka qaaday ilmaheeda yar oo iyadoo arkaysa uu Yaxaas ka qaatay, ayna awoodi weysay iney ka celiso, taasoo ay sheegtay iney uurkutaalo ku noqotay.
Qoysas ka badan 15 kun ayaa ka barakacay maalmihii la soo dhaafay gudaha Afgooye, iyagoo guryahooda uga cararay fatahaad xoog leh oo uu sameeyey webiga Shabelle, mana jiro illaa hadda gurmad macno leh oo gaaray dadkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com