Wasiirka Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa goordhaw shaaciyay in cilad farsamo ku timid Internet la’aanta ka jirta Koonfurta iyo Baratamaha Soomaaliya.
Wasiirka oo goordhaw la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa beeniyay in internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo gobolada qaar sabab u tahay arimo siyaasadeed, waxa uuna sheegay in cilad ku timid xariga Viber Optica sidaasna ku timid Internet la’anata.
Waxa uu xusay Wasiir Canshuur in cilada sababtay in uu go’ Internetka ku tuhmayaan meel 380-km u jirta Badweynta, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in dowlada arimo siyaasadeed u jartay Intetka.
”Umada Soomaaliyeed waxaan u sheegeenaa in aysan waxba ka jirin waxyaabaha la sheegayo ee la siyaasadeenayo, cilad farsamo ayey ku timid Internet la’aanta horey ayeyna u dhacday waana dhaci kartaa, cilada raadkeeda hada Injineerada ayaa gacanta ku haya,” ayuu yiri Wasiir Canshuur.
Warkan kasoo baxay Wasaarada Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili shabakada Netbolck shaacisay in arimo siyaasadeed oo la xiriirta ridistii Xukuumada Soomaaliya loo jaray Internetka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Shacabka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com