Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay Internetka ka maqan Muqdisho iyo magaalooyin kale

Maalintii labaad khadka internetka ayaa ka maqan magaalooyin badan oo kuyaala Koonfurta iyo bartamaha Somaaliya, mana jiro ilaa hada sabab rasmi ah oo la cadeeyay in ay keentay Internet maqan.

Wasaarada Isgaarsiinta Soomaaliya iyo qaar kamid ah Shirakadaha bixiya adeega Internetka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay in uu go’ internetka  .

Shabakadda Netblock oo la socota dhaq dhaqaaqa intarnet-ka ayaa maqnaasha internetka ee magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka la xiriirisay arimo siyaasadeed oo ku lug leh riditaanka Xukuumada Soomaaliya.

Qoraal shabakadan soo dhigtay Barta Twitterka ku leedahay ayey ku sheegtay in jaritaanka Internetka ay la xariirto dhacdadii Xildhibaanada golaha shacabka dhawaan xilka uga tuureen Xukuumada Soomaaliya.

 “Internet-ka la jaray ayaa weli sii socda iyadoo xadideysa tabinta dhacdooyinka wararka ,ma jirto wax muujinaya in xarig caalami ah oo badda hoosteeda mara uusan shaqeyneyn oo saameeyay Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shabakada Netblock.

Shabakada NetBlock ayaa cadeesay in internetka si kutala gal ah loo jaray si loo yareeyo guuxa ka dhashay kalsooni kala noqoshada Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna shaakadan walaac ka muujisay internetka ka maqan Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Internetka ayaa maalintii labaad ka maqan inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana shaqeenaya kaliya Intertka ku jira xafiisyada muhiimka ah ee dowlada, Shirakadaha waa weyn iyo bangiyada kuyaala Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo cadeeyay cida noqoneysa ku simaha Madaxweynaha (Akhriso)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay Garoowe

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada: 5 Gudoomiye Waaxeed oo dhawaan xilka laga qaaday oo ku xiran Muqdisho 

Cabdi Cade