Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu jabiyay Qodob Dastuuri ah oo halis keeni karta

Xil ka qaadistii deg dega aheyd ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku sameeyeen Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa siyaasiyiin badan ku tilmaameen in uu ahaa mid sharci daro ah oo hareer marsan dastuurka dalka u yaala.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo gadaal ka riixayay mooshinka deg dega ahaa ee xilka looga tuuray Xukuumadii uu Kheyre hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay in uu ku tuntay qodobka 103-aad ee Dastuurka dalka u yaala.

Saciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku tumanayo dastuurka dalka u yaala, waa uuna xusay qodobkan dastuuriga ah uu jabiyay Madaxweyne Farmaajo in ay keeni karto halis weyn.

”Madaxweynihii ku celcelin jiray waxaan illaalinay Dastuurka, uu si deg deg ah ku aqbalay arrintaa sharci darada ah, waxaa intaa ka daran in Raíisalwasaarihii oo Dhuusamareeb ka tegin inuu wareegto kusoo saaray, in uu xilka sii hayn doono Raíisalwasaare ku xigeenka, wuxuu Madaxweynuhu si cad ugu tuntay qodobka 103 ee Dastuurka oo cadeynaya Marka uu Raíisalwasaaraha xilka laga qaado ama uu iska casilo in uu xilka sii wadayo illaa uu la wareegayo qofka kale ee lasoo magacaabay, In Madaxweynuhu wareegto uu xilkii Raíisalwasaarah ku wareejiyo Raíisalwasaare ku xigeenka, iyaduna waa qodob Dastuuri ah oo la jebiyey oo runtii halis keenaysa.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Ra’isul Wasaarihii Soomaaliya ayaa si weyn waxaa uga soo horjeestay siyaasiyiin badan, waxaa sidoo kale talaabadaasi kahor yimid Midowga Yurub iyo Dowlada Mareyaknka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweynaha Erdogan oo dalkiisa ku casuumay dhiggiisa dalka Israel

Caydiid Ali

DF oo Muqdisho ka daah-furtay Madasha Sanduuqa mideysan ee Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo ka falceliyey hadalkii ka soo yeeray taliyaha ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali