Waxaa sii xoogeesanaya xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka, waxaana labada dowladood qaadeen talaabooyin uga sii daraya xiisadii horey ugu dhaxeesay.
Labada dal ayaana siyaabo kala duwan u xiray qunsuliyado ay ku kala lahaayeen magaalooyin kuyaala Shiinaha iyo Mareykanka, waxa ayna talaabadan dab kusii shiday xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeysa.
Dowlada Shiinaha ayaana amar ku siisay Ciidamada Amaanka ee dalkaasi in ay la wareegaan Xarunta Qunsuliyada Maraykanka ku lahaa magaalada Chengdu, ciidamada ayaana si buuxda durba ula wareegay xaruntaasi.
Ciidamada Shiinaha ee la wareegay Qunsuliyada Mareykanka ku lahaa magaalada Chengdu ayaa Dhamaan astaamaha Qaranka iyo Calanka Maraykanka ee ku dhaganaa Daarta Qunsuliyada ka fujiiyey.
Tilaabadan ayaa jawaab u ah go’aankii Maraykanka ku xiray Qunsuliyada Shiinaha ku lahaa magaalada Houston, Maraykanka ayaa maalmo kahor sidan oo kale la wareegay daartii ay ku taalay Qunsuliyada China.
Dowlada Mareykanka ayaana sheegtay in qunsuliyada Shiinaha ku lahaa magaalada Houston ee gobalka Texas ay gacanmaha kula jirtay arimo la xariira basaasnimo sidaasna loo xiray.
Dhanka kale Dowlada Shiinaha ayaa iyana ku eedeesay Qunsuliyada Mareykanka ku lahaa magaalaa Chengdu in ay iyaduna ku jirtay hawlo sirdoon ah gaar ahaan xaaladaha ka jira gobalkada Xijiang oo ay xukuumada Beijing cadaadiska ku heyso.
Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaana laga cabsi qabaa in faraha kasii baxo, waxaana labada dal hawada isku marinayaan eedemeyo iyo sidoo kale hanjabaadyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com