Booliiska dalka Hindiya ayaa xiray wiil iyo aabihiis oo iska dhigay cirbixiyeeno, labadan nin ayaana si xarfaanimo ku jirto waxa ay lacag badan uga dhacayeen Ganacsade kunool magaalada New Delhi.
Labadan Nin ayaa ninka Ganacsadaha ah waxa ay isaga dhigeen rag cirbixiyeeno ah, lana shaqeeya laanta dayax-gacmeedyada Maraykanka ee NASA, waxaana ragan lasoo qabtay iyaga oo xiran dharka lagu yaqiinay cirbixiyeenada.
Ragan burcada ah ayaa ninka ganacsadaha ku qanciyay in uu bixiyo lacag dhan $213,156 doolar si ay ugu gadaan qalabka qalinka, si ay uga sii iibiyaan NASA, halkaasna ay ka heli karaan macaash.
Waxa ay u sheegeen ragan ninka ganacsadaha ah qalinkan uu yahay mid dhif iyo naadir ah oo biliqda marka ay dhacdo la helo, kaas oo haddii NASA loo geeyo laga iibin karo lacag dhan $5.5 bilyan doolar.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu maadeestay wiilka iyo aabihiis oo lasoo qabtay iyaga oo xiran dharka ay caanka ku yihiin cirbixiyeenada, waxaana burcadnimadooda ay noqotay mid fashilintay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com