Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay Amniga iyo Dib-u-furidda Dalka

Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin saaxiibada, Soomaaliya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada heer Federaal (Akhriso)

admin

Madaxda dalka ugu sareysa oo si wadajir ah ugu Duceeyay dadka Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaalad adag oo lasoo daristay Wariye Raage Omar xilli uu war ka aqrinayay Telefishinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---