Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo si adag uga hadlay Xil ka qaadistii Ra’isul Wasaare Kheyre

Midowga Yurub ayaa si adag uga soo horjeestay hanaankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya u mareen kalsooni kala noqoshadii Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre .

Madaxa arimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hanaankii xildhibaanada golaha shacabka u mareen kalsooni kala noqoshada Xukuumada uu ahaa mid aan buuxin shuruudaha dastuuriga.

Josep Borrell, ayaa xusay in Soomaaliya wax badan u dhiman yihiin marka loo eego doorasho shacabku kusoo doortaan madaxdooda, waxa uuna xusay in hogaamiyaasha siyaasada laga rabo inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod in ay ka shaqeeyaan siyaasad qaran oo is ogol ku dhisan

“Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas’uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso,” ayuu yiri Josep Borrel.

Warkan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Mareykanka sidoo kale kasoo horjeesatay hab raacii loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Donald Trump oo si yaab leh uga hadlay Wararka sheegaya in xilka laga qaadayo

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay xasaanad ka xayuubin lagu sameeyey

Caydiid Ali

Go’aano kasoo baxay Kulan Mahdi Guuleed la qaatay Guddiga Gaadiidka Xamuulka Ee Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---