Allbanaadir.com
NEWS

Qadkii Internetka ee Koonfurta & bartamaha Somalia oo maqan & DF oo War ka soo saartay

Maanta barqadii ayaa waxaa gebi ahaan go’ay khadkii internetka Fiber Optic ee koonfurta iyo bartamaha Somalia

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka ayaa maanta ahaa inter la’aan ahaa, taasoo si weyn loo dareemay, iyadoo shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya internetka ay shacabka u dirayeen fariimo ay ugu sheegayaan iney cilad ku timid qadka internetka Fiber Optic ee badda soo dhexmara, si deg deg ahna loo xalin doono.

Internetka go’ay ayaa saameyn culus ku yeeshay, gaar ahaan shirkadaha, ganacsiga, warbaahinta iyo qeybaha bulshada oo si weyn ugu tiirsanaa internetka, qaarkoodna shaqadooda ay toos ugu tiirsan tahay, waxaana magaalada Muqdisho ka jira illaa caawa jahwareer iyo hadal heyn xoogan oo la xiriirta intetnetka maqan, iyadoo dadku isweydiinayaan xiliga uu soo laaban doono oo illaa hadda aan la ogeyn.

Dhinaca kale, Wasiirka isgaarsiinta xukuumada Somalia Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa xaqiijiyey inuu maqan yahay qadkii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, ayna soo wajahday cilad.

“Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo halka ay ka timid cilada iyo waxa sababay, waxaana loo malaynaa in kabelka ama giilada badda soo marta ee internetka soo geliya Muqdisho ay ciladu ka timid, marka la ogaado cilada baaxada ay dhan tahay ka dib ayaana loo dhaqaaqi doonaa in la xaliyo, lamana sheegi karo xiliga ay qaadan karto” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, Internetka ayaa si caadi ah looga isticmaalayaa degaanada Somaliland iyo Puntland maadaama labada degaan ay gasho Fiilo Internet Fiber Optic u gooni ah oo badda dhexmarta

Magaalada Muqdisho iyo koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa waxaa internetka siiya qadka Fiber iyo Optic ee badda soo dhexmara, sanadkii 2017 ayey aheyd markii sidan oo kale uu go’ay khadkaas taasoo cilad bixinteeda ay qaadatay muddo 3 todobaad ah, Waxaana la isweydiinayaa sababta shirkadaha isgaarsiinta ay cashar uga baran waayeen ciladaas oo mar kale soo laabatay, ayna u keeni waayeen fiilo kale oo Fiber Optic ah si haddii ay mid cilad ku timaado mida kale loo isticmaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay Saddex Lataliye cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo beenisay warbixin ay baahisay Wakaalada Wararka Reuters

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Koonfurta qaarada Amerika oo dalkeeda ka eriday Safiirkii Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---