Allbanaadir.com
NEWS

Talaabadii lagu riday Xukuumadii Khayre oo lagu tilmamay afgembi aan dhiig ku daadan

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay baarlamanka Somalia uu ahaa afgembi aan dhiig ku daadan oo lagu riday Xukuumadii Khayre.

Waxaa uu intaas ku daray in qorshaha lagu riday Xukuumada uu ahaa mid qorsheysan oo muddo dheer laga soo shaqeynayey, uuna ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo.

“Sababta qalaalasaha Siyaasadeed loo geliyey dalka waxay tahay dan shaqsiyadeed oo ah in la kororsado labo sano oo sharci daro ah laguna gorgortamo kursiga Raisul Wasaaraha, taasoo muujineysa kelitalisnimo” ayuu yiri siyaasiga.

Waxaa uu xusay in lagu tuntay dastuurka iyo shuruucda dalka u taalla taasoo uu xusay iney dhaawac ku tahay hanaanka dowlad dhisida Somalia oo loo baahnaa inuu horey u socdo balse haatan wajahaya dib u dhac sida uu warka u dhigay.

Mar uu ka hadlayey go’aanka dowlada Maraykanku ku qaadacday xilka ka qaadista Khayre ayuu sheegay in beesha caalamka iyo Maraykanka ay hadda fahmeen hagardaamada uu dalka ku maamulayo Madaxweyne Farmaajo iyo qorshaha guracan ee uu doonayo inuu xilka ku kororsado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dadka Shiinaha oo looga digay in ay taabtaan dadka Ajaaniibta iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul-Fitriga

Caydiid Ali

Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Fardhiye oo lagu casuumay Muqdisho lana kulmaya …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---