Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo qabtay burcad dhac ka geesan jirtay Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kusoo qabtay burcad inta badan dhac u geesan jirtay dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeysata.

War kasoo baxay ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta kusoo dhigeen koox burcad ah oo dhac u geesatay mooto bajaaj kadib markii ruuxii laga dhacay mootada booliiska ku war galiyay falkaasi.

“Mooto nooceedu yahay bajaaj gaduud ah oo lahayo numberkeeda iyo taarikadeeda ayaa Muwaadin Soomaaliyeed looga dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.”Muwaadinka dhibanaha ahaa ayaa ashtako u gudbistay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka ayaana gacanta ku dhigay mootadii iyo burcadii dhacday.” ayaa lagu yiri warka asoo baxay booliiska.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dhaca kooxaha hubeesan u geestaan moota bajaajta, burcada dhaca geesata ayaana mararka qaar dil u geesata dhalinyarada mootada laga dhacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xil ka qaadis maanta lagu sameenayo Madaxweyne Yoon Suk Yeol

Cabdi Cade

Kheyre oo la kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Waa sidee xaalada degaanadii shalay lagu dagaalamay ee duleedka Gaalkacyo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---