Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Khayre iyo xubno la socda oo goor dhow soo gaaray Muqdisho

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre oo ka soo ambabxay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo xubno kale oo isaga taageersan.

Soo laabashada Khayre oo aheyd mid deg deg ah ayaa ku soo beegantay xili Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal uu shaaciyey saacado ka hor in 170 Xildhibaan ay u codeeyeen in kalsoonida lagala noqdo Raisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ka dib markii lagu eedeeyey iney ku fashilmeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin diyaarinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca.

Madaxweyne Farmaajo ayaa durba aqbalay xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyey Khayre iyo Xukuumadiisa oo lama filaan aheyd, taasoo muujineysa in arrintan ay ahayd mid qorsheysan oo la isla ogaa.

Ma cadda go’aanka Ra’isul Wasaare Khayre uu ka qaadan doono xilka ka qaadista la sheegayo in lagu sameeyey inkastoo wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ay ka soo horjeesteen, waxaana dhegaha loo taagayaa sida uu arrintan uga hadlo.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo toogatay shan nin oo ay Dambiyo culus ku eedeeyeen (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo Muqdisho ka bilaabay beegsiga shaqsiyaadka ka horjeeda Farmaajo

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Jigjiga iyo halka uu ku dambeeyey Cabdi Max’uud Cumar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---