Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Cadaado goordhaw geeyay Madaxweyne Deni (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Kaariye uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado ayaa soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ee goordhaw gaaray magaalada Cadaado.

Amaanka magaalada Cadaado ayaana maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada buux dhaafiyay masuuliyiin kala duwan oo qeyb ka ah wafdiga ay hogaaminayaan labada Madaxweyne .

Safarkan uu magaalada Cadaado ku tagay Madaxweynaha Puntland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu halkaasi ku tago isaga oo Madaxweyne ah, waxaana horey maalmo kahor Cadaado u booqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad isku qoys ah iyo Wadaad Caan ahaa oo saakay ku dhintay Dagaalka Boosaaso

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Abu Dhabi iyo Diyaarado Drone oo…

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku dhaawacmay shil gaari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---