Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) DF oo hawada ka celisay dayuurad rakaab siday iyo Xog ku aadan sababta

DF ayaa saaka hawada Soomaaliya laga celisay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Dayuuradda oo ay soo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa la socday 80 rakaab Soomaali ah oo muddo xayirnaa Kenya ka dib markii ay saameysay xanibaada duulimaadyada ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaas oo ku soo jeeday Xamar lagu soo qariyey Qaad ganacsi ahaan loo soo gelin rabay dalka taasoo sababtay in DF ay dib u celiso markii ay ka war heshay.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ee Jetways ayaa markii ay dayuuradda duushay ka war  helay in Qaad aysan ogeyn la saaray xili ay soo gashay hawada Somalia, iyagoo ka dibna la soo xiriiray haya’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya oo arrintaas ay ku wargeliyeen taasoo keentay dib u celinta dayuuradaas.

DF ayaa dalka ka mamnuucday Qaadka , inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19, iyadoo diyaaraddii keenta dalka la marinayo ciqaab adag oo ay ku jirto in duulimaadyada Somalia laga mamnuuco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray Ammaro culus oo ku socda Wasiiradda cusub

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo la shiray Wasiirada Jubbaland (Muxuu kala hadlay)

Caydiid Ali

Suuqa Cajiibka ah ee Gabdhuhu ka iibsadaan raga ay guursanayaan !!(Sawirro)

Cabdi Cade