Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Maareeye oo shaaciyey War cusub oo la xiriira shirka xiga ee Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in wejiga 3aad  ee shirka Dhuusamareeb ay ka qeyb-galaan siyaasiyiinta mucaaradka xisbiyada dalka ka jira kala hogaamiya.

Shirkii dhowaan lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb ayuu sheegay iney ka qeyb galeen oo kaliya madaxda dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada balse ay meesha ka maqnayd kaalintii Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

“Waajib bay aheyd in Madaxda Xisbiyada ay dowladda kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida ay u dhacayaan balse taasi ma dhicin, shirka soo socda ayaana rajaynayaa iney kaalintooda siyaasadeed qaataan” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij ka baxay Warbaahinta ku hadasha codka dowladda isagoo tilmaamay iney muhiim tahay asxaabta mucaaradka iney doorkooda qaataan codkoodana la dhegeysto.

DF iyo dowlad goboleedyada oo uu shir ugu dhamaaday maalmo ka hor magaalada Dhuusamareeb ayaa ku balamay shir kale oo la filayo in 15-ka bisha August ka dhaco isla magaaladaas.

Hadalka Maareeye oo dad badan ka yaabiyey ayaa laga dareemayaa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadii DF ee la xiriirtay la macaamilka mucaaradka iyo in lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, iyadoo horey u aaminsaneyd in Baarlamanka oo kaliya uu arrimahaas go’aan ka gaari karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ku taalla Maraykanka oo diiday amar ka soo baxay Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo shuruudo ku xiray wadahadallo cusub oo dhexmara Somalia iyo Somaliland

Caydiid Ali

Israel oo qaaday tallaabo jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray Antonio Guterres

Cabdi Cade