Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sanad-guuradii ka soo wareegtay qaraxii xarunta Gobolka Banaadir oo maanta la xusayo

Sanad ka hor maanta oo kale 24-kii bishii July waxay ku beegantahay markii uu qarax ismiidaamin ah ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee Xamar kaasoo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad tobon ruux oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxaas Guddoomiyaashii degmooyinka  Cabdicasiis Marxuumad Sabaax Cabdullaahi, Shangaani, Marxuumad Sahro Markesi,  Guddoomiyihii degmada Waaberi marxuum Mahad Cilmi agaasimayaal ka tirsanaa Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Qaraxan oo dhaliyey su’aalo badan oo ku saabsan sida uu ku gaaray hoolka shirarka gobolka Banaadir ayaa baaritaan ay sameeyeen heyadaha amaanka DF waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fulisay haweeney araga naafo ka ah oo ka tirsaneyd Shaqaalaha gobolka Banaadir inkastoo natiijada baaritaanka la sameeyey uu ahaa mid hordhac ah, waxaana jiray tuhuno la xiriiray in qaraxaas la fududeeyey.

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa magacaabay shalay guddi diyaarinayo munaasabado lagu xusayo looguna duceynayo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Maanta oo Jimco ah ayaa waxaa muqdisho ka soconayo munaasabadahan, waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan ururada bulshada rayidka iyo madaxa kale oo heer gobol iyo heer dowladeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska Raisul Wasaraha (Maxaa looga hadlay)+Sawirro

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo deg deg uga jawaabay dalab ka yimid Guddiga doorashada Jubbaland

Caydiid Ali

DEG DEG: Madaxweynaha Somalia oo magacabay Raisul Wasaare cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---