Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada oo Xukuno adag ku riday labo nin oo midkood maqane yahay

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday labo nin oo midkood maqane yahay oo Maxkamada ku heshay in Al Shabaab katirsan yihiin .

Mustaf Maxamed Xuseen oo ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu eedeeyay in gawaarida ku dhagin jiray qaraxyada , halka Maxamed Axmed Muumin oo maqane ah lagu eedeeyay in uu gacan ka geesan jiray qaraxyada gaadiidka lagu xiro.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in ninka maqanaha ah ee lagu magacaabo Maxamed Axmed uu ahaa ninka haga qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro sidoo kale lacag ku bixin jiray.

Mustafa Maxamed ayaa horey usoo dhameestay xabsi shan sano ah oo horey ugu riday maxkamada ciidamada kadib markii lagu helay in uu Al Shabaab katirsanaa, ninkan ayaana la sheegay in dib ugu laabtay Al Shabaab markii xabsiga laga sii daayay.

Xeer ilaalinta Maxakamadda Ciidamada oo soo Eedeysay Mustaf Maxamed Xuseen ayaa loo heystaa in ilaa 8 Gaari uu miino ku xiray kuna qarxeen Magaalada Muqdisho, balse aysan geysan khasaaro nafeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur  ayaa sheegay in labada Nin lagu helay Eedeynta loo soo jeediyay,sidaas daraadeedna lagu xukumay Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin Xabsi daa’in.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Isbitalka Al-Shifa xudun ugu noqday dagaalka Israel iyo Xamaas?

Caydiid Ali

Taliban oo Mareykanka ku eedeeysey inuu xadgudbay heshiiskii Doha

Caydiid Ali

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin
Taboola Ads ---